XUKUNKA DIL KA DHASHAY MURAN GACAN KA HADAL XIGAY.

Garsoor – (Mogadishu) – Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil ayaa loo soo xiray Dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay Kow iyo Labaatankii Bishii November ee sanadkii 2023.

Muran isku bedelay gacan ka hadal oo dhaxmaray Marxuumka iyo Taliye unugii ciidanka ilaalada shacabka ee ku qornaa barta koontarool kedib Badri ayaa soo dhexgalay kedibna dilay maxruumka.

Baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Xukunka Kooxdii gaystay Dhimashada iyo Dhaawaca……

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed, Axmed Ibraahim Axmed, Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud ( Oo Maqane ah), iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa lagu soo eedeeyay dembiga ah jid gooyo ay ka dhalatay Dhimasho, Dhaawac iyo burbur Hantiyadeed.

Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud (Oo Maqane ah) ayaa loo haystay dembiyada kala ah Dil bareer ah, Dhaawacyo, Qalqal-gelin shacab, Jidgooyo, ka tagis goob shaqo, isku day dhac iyo qasaaro soo gaaray gaari ay ku rasaaseeyeen uuna lahaa Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan, Ayna ku dhinteen Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, kuna dhaawacmeen dhibanayaal Guuleed Ibraahim Hiloowle oo 16 jir ah, iyo Kaaho Cabdulle Caddow falkaas oo ka dhacay Xabaal Duub oo ka tirsan tuulada Maxaa Saciid ee hoostagta degmada Cadalle kow iyo labaatankii bishii Augost 2023.

Halka Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) iyagana loo haysto gacansiin dambi iyo isku day dhac iyaga oo wadayaal ka ahaa Labo Mooto Fekon oo lagu geeyay Arwaax iyo Maxamed Shariif goobtii uu falka ka dhacay.

Arwaax ayaa usoo gacan galay Laamaha Cadaaladda Shan iyo Labaatankii bishii Augost 2023 halka Axmed Ibraahim Axmed uu isna soo gacan galay Sadax iyo Labaatankii bishii November 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sedax iyo Tobankii bishii January ee Sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku kala xukuntay:

1- Ex Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud(Oo Maqane ah) ayay Maxkamadda kuwada xukuntay Dil toogasho, ahna Qisaasta Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, Sidoo kale in ay wada bixiyaan Magta iyo Qarashaatkii ku baxay dhaawacyada Dhibanayaasha kala ah Kaaho Cabdulle Caddow iyo Guuleed Ibraahim Hiloowle, sidoo kalana ay bixiyaan qarashka gaarigii ay ka burburiyeen Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan.

2- Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa iyagana lagu Xukumay min 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Jaajuuskii Khawaarijta ee……

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) ayaa lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha maleeshiyada Khawaarijta Alshabaab isaga oo u qaabilsanaaa qeybta dhuumaalaysata iyo kooxda basaasiinta.

Maxamed ayaa Maleeshiyada kaga biiray Jilib sanadii 2013 , Maxamed iyo labo kale oo ka baxsaday waalidkood dugsi diidnimo tuulada Gorgoreey ee hoos tagta degmada Saakow ee Jubbada Hoose.

Waxa uu tababar ku soo qaatay Mucaskarka Abu-zubayr oo ku yaal inta u dhaxayso Jilib iyo Bu’aale tababar socday Sadax bilood waxaana lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan, ka dib tabarkiisii isaga iyo kooxdii tababarka la qaatay waxaa loo daabulay gobalka Galgaduud gaar ahaan Wabxo iyo Ceelbuur.

Waxa u qeyb ka ahaa 2 jid gal oo lagu sameeyay Ciidanka Ethopia inta udhaxeesa Wabxo iyo Ceelbuur, Waxbo iyo Maxaas.

Sanadii 2018 ayaa loo soo wareejiyay qeybta Basaasida Muqdisha isgoo gabaad ka dhigtay guri uu abtigiis leeyahay kuna yaal Xaafada Saybiyaano degmada Hodan, waxa uuna ka shaqa bilaabay Baqaar lagu iibiyo Mooska oo kuyaaal suuqa Bakaaraha si uu gabaad uga dhigto.

Waxa u jaajuusay Askar iyo dad shacab ahaa oo qaraabo ahaayeen isaga oo xogtooda u gudbiyay horjoogihisii oo joogay Jubada dhexe.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo qabtay Maxamed Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab Sadax iyo labaatankii bishii November sandii 2023.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Qaadista kiiskan Sadax iyo Tobankii bishii January.

Garsoorka Maxakamda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbayn maanta ku xukuntay Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Xukunka Ibraahim oo qeyb ka ahaa qarax…..

Garsoor – (Baydhaba) – Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha Khawaarijta isagoo u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada iyo kala gudbinta Agabyada ay u baahanyihiin isagoo isticmaali jiray Mooto Fekon.

 

Waxaa deeganka Dugaandug ugu yimid Daahir oo isna ka mid ahaa Maleeshiyada una sheegay in uu wado qarax ayna rabaan in uu geeyo magaalada Baydhabo, Bartilmaameedkuna uu yahay goob dadka isugu yimaadaan.

 

Waxa uu soo qaaday Daahir iyo Miinadii waxa uuna  ku aasay Kaam Xagarka Buush ku yaala,

Waxaa halkaa ku geeriyooday Sadax Qof halka Lix kalana ay ku dhawacmeen.

 

Ciidanka Ha’adda Nabad sugida ayuu u soo gacan galay Ibraahim Labo iyo labaatankii bishii July ee sanadkii hore, halka Daahir uu wali fakad ka yahay gacmaha laamaha sharciga.

 

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Ibraahim, waxaana laga ogolaaday Sagaal iyo Tobankii bishii December ee sanadkii tagay.

 Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda sidoo kalana dhageystay qaar ka mid ah dhibanayaasha kiiskan ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Ibrahim Cusmaan Macalin Abiikar, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Cimrigaa haku furto [xabsi daa’in] , sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed wakiilka Maxkamadda Ciidamada Qaybta Lixdanaad.

 

 

 

 

Xukunka Daacishtii Masjidka kula kale wareegayay Bambooyinka….

Garsoor (Mogadishu) – Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha maaleshiyada Daacish.

Cabdiqani iyo Axmed ayaa horay uga mid ahaan Khawaarijta Alshabaab bale usoo digo rogtay Daacish. Waxa looga tashkiiliyay mid waliba aaladda xiriirka dadweynaha gaar ahaan Telegramka.

October Lix iyo tobankeedii sanadkan ayay Ciidamada amniga oo gaaf wareeg ku jiro waxa ay qabteen Cabdiqani, waxa uu watay Bac labo F1 Bum ah ay ku jiraan, waxa uuna kula wareejin rabay Axmed Cali Diiriye oo ku suganaa safka hore ee Masjidka Alnur, Dabkaayo-madow ee dagmada Dharkenley sidoo kala waxa guriga Cabdiqani laga helay agabyada loo istcimaalo qaraxyada.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Kow iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) min Sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha maxkamda Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Xassan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Guddoomiye ku xigeenkii Hodan iyo Xamarwayne ee Argagixisanimada lagu eedeeyay ….

Garsoor (Mogadishu) – Abuukar Salaad Maxamuud oo Dowladda Soomaaliya kasoo qabtay Xilalka Gudoomiye Ku xiggeenka Arimaha Bulshada Degmooyinka Xamar wayne iyo Hodan 2014-2019 ayaa lagu soo eedeyay in uu ka tirsan Kooxda Argagaxisada uuna u qaabilsanaa dhoofinta iyo soo celinta kuwa dhaawaca ah ama xanuunsan.

Sanadkii 2021 ka Ugunji oo Shabeelaha Hoose ah ayuu iska xaadiriyay si u bilaabo xiriirka Khawaarijta isagoo maraya horjooge ay qaraabo ahaayeen oo khawaarijta ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdullahi Ibraahim.

Wareysi ku dhawaad tobon daqiiqo ahaa oo baraha xiriirka dadweynaha gaar ahaan Tegramka ay ku baahiyeen Argagixisada July ee sanadkan ayuu ku sheegay in mar kale shahaadada loo qabtay isla markaana Dowladda ku tilmaamtay gaalnimada ay la jecelyihiin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Sagaalkii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Abuukar Salaad Maxamuud Shan-sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute.

Askari u dilay Muwaadin muran kala dhexeeyay Askari kale & Xukunkiisa….

Garsoor -(Mogadishu)-   Dable Boolis Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf ayaa loo soo xiray dil bareer ah u geystay marxuum Cali Cabdi Cali falkaas oo kadhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley Shantii bishii September ee sanadkan.

Muran dhex maray marxuumka iyo Sargaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhax galay waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay.

Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka oo isla goobtii ku naf baxay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.

Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Madixii Baadda Argagixisada uga wakiil ka ahaa deegaana ka tirsan Galmudug & Xukunkiisa…..

Garsoor – (Mogadishu)- Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) ayaa lagu soo eedeeyay in uu maleeshiyada Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Lacagaha baadda ah.

Waxa uu Maleeshiyada Alshaabab ku biiray 2013kii, isaga oo u qaabilsanaa Maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn.

Waxa laga soo qabtay deeganka Baraak Ciise ee gobolka Mudug Todobadii bisha July ee sanadkan.

Xaashi iyo dhagar qabe kale oo la socday ayaa watay laba qori Ak47 ah iyo mooto Fikon waxa ayna ka yimaadeen Baraak Ciise ee u dhow deeganka Bacaadweyn, balse dhagar qabihii kale ayaa goobta ku geeriyooday ka dib markii ay ciidanka la dagaalameen halka Xaashi uu isna goobta ku dhaawacmay.

Waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray 150-200$ bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Labatankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) 10 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka dilkii ka bilowday danaano…..

Garsoor – (Mogadishu)- Cabdulaahi Cabdi Mustaf ayaa lagu soo eedeeyay dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf losoo xiray gacansiin danbi ka dib markuu dilaaga u dhiibay qoriga uu dilka ku geystay.

Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo ka carooday weydiinta Booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka titsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay marxuum Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) oo xiligaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni Sagaal iyo tobankii bishii December ee 2022.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Intaasi kadib Qareenada eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay kowdii bishan, ayaa ugu danbeyn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada.

Xukunka waayeelkii loo Dilay Dhaxal aan lagu lahayn…..

Garsoor – (Mogadishu)- Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen  $17,300 oo dollarka maraykanka ah.

Cali Cumar oo hooyadiis mar qabi jiray marxuumka aabihiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Sadaxdii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.