Xukunka Askari Xabad afka uga dhuftay Taliyihiisa……..

Garsoor -(Mogadishu)- Dable Xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan guutada Cali bin abii Daalib, ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus uu u geystay taliye unugiisa oo Xabad uu afka uga dhuftay, kaasi oo lagu magacaabo Dable xoogga Axmed Cabdullaahi Maxamed, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobanka bishii January  ee Sanadkaan.

Falka kadib Eedeysanaha oo lagu xiray Xabsi ku yaalla Guriceel, ayaa kasoo baxsaday Xabsigaasi, isaggoo soo galay Muqdisho.

waxaana uu si dhuumaaleysiya uu in muddo ah uu ku joogay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, Baadi goob kadib gacanta hay’addaha ammaanka ayuu soo galay Afar iyo tobanka bishii afaraad ee sanadkaan. kadib markii ay soo gacan geliyey gabar haasaawe Jaceyl la jishay, isaggoo lagu qabtay Xeebta Liido degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo tobankii Bisha lixaad ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda  ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, Magta Dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay, Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana maxkamadda ay ka saartay Xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Maxamuud oo Muqdisho Lacagaha Baada ah uga aruurin jiray Khawaarijta…

Garsoore -(Mogadishu)- Eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” , ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan inuu Qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadda ah ee Khawaarijta ay ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho.

Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa Khawaarijta ku biiray dhammaadka sanadkii 2020-ka, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo Khawaarijta ka tirsanaa, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Eedeysane Maxamuud, ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baadda ah, isaggoo Khawaarijta u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago baad ah.

Sidoo kale waxa uu Khawaarijta u gudbin jiray Qiyaaata qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogteeda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa, waxaana arrimahaan uu ka shaqeynayey muddo Seddex Sano iyo Lix bilood ah, isaggoo Mushaar ahaan seddexdii biloowdba mar ay Khawaarijtu siin jireen lacag dhan Labo boqol oo Dollar, Gacanta Hay’addaha amnigana waxa uu soo galay Sagaal iyo Laabaatankii Bishii January ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bishii May ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare…..

Garsoor – (Mogadishu)- Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana ayaa loo heystay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in Eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, Falkaan ayaana ka dhacay Degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bisha shanaad ee sanadkaan 2024 Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamda Qalabka Sida oo Dhageysatay kiiskaan waqti ku Filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn Maanta oo ay taariiikhdu tahay sideed iyo Tobanka Bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Sarifle jaajuus u ahaa khawaarijta….


GARSOOR – (Mogadishu)- Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa loo soo xiray Kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta Jaajuusnimada iyo inuu gacantiisa ku fuliyey Falal agagixisanimo.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayuu ku lahaa goob uu gabbaad ka dhiganayey oo lagu sarifo lacagaha, isaggoo Khawaarijta uu u gudbin jiray xogaha Ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Shabeellaha hoose, islamarkaana maraya Wadada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan intaba.

Khawaarijta waxuu ku biiray 2012, waxaana ku tashkiiliyey Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, isaggoo ku daray qeybta Jaajuusnimada iyo Bombo tuurka, Xogaha uu helana waxaa uu u gudbin jiray Yuusuf Xasan Aadan.

Bishii Lixaad sanadii 2022 waxa uu Bomb gacmeed ku tuuray saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo xilligaasi ku sugnaa goob timaha lagu jarto, sidoo kale Goobo kale oo ay kamid yihiin Alnasri 3 iyo Hotel Musdalifo ayuu Bomb ku tuuray.

Falalkaasi argagixisanimo ee uu geystay Maxamed Cali, ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca seddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Haween.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa u cararay deegaanka Jannaale, kadib markii Ciidanka amniga ay soo qabteen Yuusuf Xasan Ibraahim oo ahaa Horjoogihiisa, Afar bilood kadibna waxa uu kusoo laabtay Ceelasha Biyaha isaggoo sii amba-qaaday dhagartiisa, waxaana markaan horjooge u ahaa nin lagu magacaabo Nabadoonka.

Hay’adaha amniga oo ku raad-joogay Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa Deeganka Ceelasha biyaha kasoo qabtay taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobankii Bisha Labo iyo Tobnaad ee 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Tobankii Bishii seddexaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamed Cali Xersi Diirshe 15 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Koox ay ku jirto haweynay oo dhac ka geysatay Muqdisho….

Garsoor – (Mogadishu)- Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Dable Xoogga Cabdisalaam Arwaax Shariif, Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed iyo Nimco Maxamuud Cali, ayaa si wadajir ah lagu soo eedeeyey fal burcadnimo hubeysan ah iyo Isticmaalka Qamri.

Afartaan Eedeysane oo watay gaari, ayaa dhac u geystay dad shacab ah oo gaaraya Afar iyo Toban Qof, kuwaasi oo ku sugnaa degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Eedaysane Nimco Maxamuud ayaa laheyd doorka qarinta agabyadii la soo dhacay, iyaddoo saarneyd qeybta hore ee gaariga, si loo marin habaabiyo ciidanka amniga.

Eedeysaneyaasha ayaa Cabsanaa Qamri xilligii ay dhaca geysanayeen, waxaana ay isku soo mareen dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Gaarigii ay wateen oo ka halaabay, ayaa iyaggoo ku sameynaya garaasha ku yaalla degmadda Hodan waxaa kasoo qabtay Ciidanka ammaanka, taariikhdu markii ay aheyd Tobanka bisha siddeedaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobada bishii Seddexdaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay:-

Ex-Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Ex-Dable Xoogga Cabdisalaan Arwaax Shariif, Ex-Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed ayaa lagu Xukumay min 8  sano oo Xabsi ciidan ah, halka Nimco Maxamuud Cali lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo Qaarijisay Marxuum Abuukar Kaabax….

Garsoor – (Mogadishu)- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Dil-toogasho ah ku xukuntay Ex-dhamme Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye & Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo kala ahaa taliyihii Booliska saldhigga Heliwaa & Dable Gacan-yare u ahaa Taliyaha, taasi oo ah Qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen Labaatan iyo Labadii bishii February 2024.

Sidoo kale Maxkamadda, ayaa ka Xayuubisay Darajadiisa Ciidan, kana Saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ex-Dhamme Qoslaaye & Qoone.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan Diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xukun laga dhigay labadaan.

Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.

Xukunka Askari dhac geystay uu Abahiis ku soo wareejiyay hay’adaha amniga…….

Garsoor – (Mogadishu)-  Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, Dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed oo labaduba shacab ah, ayaa si wadajjir ah loogu soo eedeeyey Burcadnimmo hubeysan iyo Dhac ay ka geeysteen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Shantaan eedeysane, ayaa Taleefano iyo lacago ka qaatay dad isugu jira Shacab iyo Askar aan xilligaasi hubeysaneyn oo shaqada fasax ka ahaa, iyaggoo dhaawac u geeystay qaar kamid ah dhibaneyaasha, waxaana eedeysaneyaasha ay falkaan ku geysteen hal qori oo Ak47 ah oo uu lahaa Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed.

Dhaca kadib Eedeysaneyaasha ayaa tagay Guriga Eedeysanaha Koowaad Axmed Cali Maxamed, si ay u qeybsadaan Taleefanada iyo Lacagihii ay soo dhaceen, ugu dambeynna waxay isku qabsadeen sida loo kala qaadanayo, halkaasna waxaa ka dhashay buuq ku dhowaaday gacan ka hadal.

Intaasi kadib Dable Axmed Aabihiis oo guriga ku sugnaa, ayaa kusoo Baxay buuqa eedeysaneyaasha, markii uu arkay in wiilkiisa iyo saaxiibadiis ay isku heystaan, iskuna dagaaleen Taleefanada iyo lacagtii ay soo dhaceen, ayaa waxa uu qaatay go’aan dhif iyo naadir ah oo ku dayasho mudan, waxa uu wacay Ciidanka Booliska degmadda Afgooye, isaggoo ku war geliyey falka ay ku kaceen. Wiilkiisa iyo saaxiibadiis, halkaasi ayaana lagu soo xiray Eedeysaneyaasha Taariikhdu markii ay aheyd Todobada Bishii labo iyo tobnaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labaatan iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay:-

1- Ex Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, ayaa lagu Xukumay 8 sano oo Xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ahaanshiyaha ciidanka xoogga dalka.
2- Ex dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan iyo Ex dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ah ahaanshiyaha Ciidanka xoogga dalka.
3- Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed, ayaa iyagana lagu xukumay min shan sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxaa lagu xukumay dhammaan inay bixiyaan Taleefanada iyo lacagihii ay dhaceen.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

XUKUNKA MR.TAAKEEYE IYO KOOXDIISII….

Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) ayaa lagu soo eedeeyey aas-aasida Xisbi ku sheeg uu ugu magacdaray Talo-kunool, kaasi oo faafiyo fikradaha gurracan ee lidka ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladnimmada iyo sidoo kale Taageeridda Ficilada foosha xun ee Argagixisada.

Taakeeye, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya Siddeed iyo labaatankii September 2023.

Waxa uu Baraha Xiriirka dadweynaha ku gudbin jiray fikirkiisa gurracan ee gaaleysiinta ah, isaggoo ku tashkiilin jiray Caamada in ay soo raacaan Xisbigiisa Talo-kunool.

Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa isna kaga biiray kooxda Taakeeye qaab Online-ah, isaggoo Whatsapp-ka ku faafiyey Fariimo lid ku ah Dowladnimmada iyo inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, isna waxaa la qabtay Siddeed iyo Labaatankii bishii September 2023.

Maxamed Cabdulqaadir Cali Nuur (Sandheere) ayaa isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay Online ka, Waxa uu isku dayey in uu marin habaabiyo laamaha amniga isaga oo sheegtay in uu yahay isa-soo dhiibe Khawaarijta ah, waxaana la xiray Labaatankii bishii December 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Afar iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Seddexda eedeysane, Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), ayaa lagu xukumay 2 Sano oo il ku hayn ah, halka Ex Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle isna laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere).

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Askari 19 sano ka tirsanaa Ciidanka laguna helay Falal Argagaxisanimo…..

Garsoor – (Mogadishu)- Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) oo ka tirsan Ciidanka minishiibiyada ee degmadda Afgooye, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta istidlaaca (Jaajuusnimo) isaggoo xogaha saraakiisha, shaqaallaha iyo maamulka degmadaasi u gudbin jiray argagixisada.

Xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay maamulka degmadda Afgooye, ciidannimadana waxa uu qortay sanadkii 2005, isaggoo khawaarijta ku biiray 2017, waxaana uu la shaqeyn jiray madaxii amniyaadka gobolka Shabeellaha hoose oo magaciisa afgarashada uu yahay Abtiga, kaasi oo markii hore ku tashkiiliyey kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada, Is-faham kadibna waxaa lagu soo xiray labo dhagarqabe oo amniyaadka kooxda u jooga Afgooye ka mid ah.

Waxa uu si joogto ah khawaarijta ugu gudbin jiray xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada maamulka iyo saraakiisha amniga degmadda Afgooye, waxaana uu ka qeyb ka ahaa shirqool lagu dilay guddoomiye ku xiggeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil August 2022, dilkaasna waxaa kala shaqeeyey nin lagu magacaabo Yaasir Jiis oo hadda ah Horjoogaha guud ee ee Maleeshiyada ku dhuumaalaysata gobolka Shabeellaha hoose.

Muddadii uu shaqeynayey waxa uu khawaarijta la wadaagay xogaha shaqo ee shaqsiyaad ay kamid yihiin, Taliyihii hore ee booliska Afgooye, Taliye ku-xiggeenka saldhiga degmadda iyo guddoomiye waaxeedka 21-Octobar, kuwaasi oo xogo dhameystiran uu ka bixiyey.

Sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage mar uu kormeer shaqo ku tagey xerooyinka Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, ayuu xogo ku saabsan kormeerkiisa la wadaagay Khawaarijta.

Ciidanka NISA oo ku raadjoogay Daahir Garboole, ayaa shan iyo tobankii bishii October 2023 qabtay gudaha degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) 10 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Sarkaal Danab ahaa oo loo haystay Falal Argagixisanimo…

Garsoore – (Mogadishu) – Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab iyo Jaajuusida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu u dusiyo Maleeshiyada, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).

Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku Shahiiday Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuurre), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha saxiibada Danab (Drones), dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.

Waxa uu dhabar jabin ku sameeyay ciidanka, gaar ahaan dagaalkii Budbud ka dib markii uu difaaca ka saaray horintii uu xukumayey.

Sidoo kale waxa uu sahmiyay Saldhigyadda Military ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.

Mucaawiye Waxa uu adeegsanayey ereyo afgarasho ah oo ay isla yaqaaneen Cabdullahi Hiiraan, ayna ka mid yihiin, Adeer (Saaxibada Danab Mareykanka), Ilmaha Adeer (Speacial Danab), Abaayo (Beli-doogle), Hooyo (Muqdisho), Meeshii hore (Howlgalkii hore) iyo ereyo kale.

Waxa loo adeegsaday soo iibinta Drone, Ookiyaalaha aragga habeenkii (Night Vision) iyo agabyo kale oo ciidan oo aan u suura gelin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishaan, iyaggoo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, Waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute