Xukunka Daacishtii Masjidka kula kale wareegayay Bambooyinka….

Garsoor (Mogadishu) – Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha maaleshiyada Daacish.

Cabdiqani iyo Axmed ayaa horay uga mid ahaan Khawaarijta Alshabaab bale usoo digo rogtay Daacish. Waxa looga tashkiiliyay mid waliba aaladda xiriirka dadweynaha gaar ahaan Telegramka.

October Lix iyo tobankeedii sanadkan ayay Ciidamada amniga oo gaaf wareeg ku jiro waxa ay qabteen Cabdiqani, waxa uu watay Bac labo F1 Bum ah ay ku jiraan, waxa uuna kula wareejin rabay Axmed Cali Diiriye oo ku suganaa safka hore ee Masjidka Alnur, Dabkaayo-madow ee dagmada Dharkenley sidoo kala waxa guriga Cabdiqani laga helay agabyada loo istcimaalo qaraxyada.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Kow iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) min Sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha maxkamda Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Xassan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Bajaajlihii reerkiisa u dhoofiyeen dibadda balse u soo laabtay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed…..

Garsoor (Mogadishu) – Cabdiwahaab Cali Raage (Saadaq) ayaa loo soo xeray ka tirsanaanshiyaha Khawaarijta una qaabilsanaa daabulida qaraxyada iyo kooxaha dhagarta fuliya.

Waa dagaalyahan hore Xisbo ilaa iyo Jabhad kana qeyb qaatay dagaalo lala galay Ciidmada Qaranka iyo weeraro badankood Muqdisho iyo Hiraan ka kala dhacay.

Cabdiwahab reerkiisa ayaa dalka ka dhoofiyay balse waxa uu dalka dib ugu soo laabtay si’ uu u daadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhawac ka so gaaray dagaal ay Maleeshiyada la gashay ciidamada ATMIS.

Waxaa loo arkayay qabiir la qabsan kara mowjadaha magaalo Xamar oo kale ah, xambaarsna qibradaha is bad-badelka isagoona xariif ku ahaa tir tirida raadadka, Muqdisho ayaa loo soo badelay waxaana uu ku shaqa bilaabay moota Bajaaj sida lagu soo eedeyayna ay ku hoos jirto shaqadiisa Khawaarijnimo Sida: Qaadista Xubnaha dhagar qabayaasha ah, kala gudbinta qaraxyada iyo sahminta jidadka caasimadda.

Ciidanka xasilinta caasimadda ee Boolis Militaaro ayaa ka soo qabtay deeganka Ceelasha Biyaha Lix iyo tobankii bishii Augost ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiwahaab Cali Raage Toban sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha maxkamda Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Xukunka Guddoomiye ku xigeenkii Hodan iyo Xamarwayne ee Argagixisanimada lagu eedeeyay ….

Garsoor (Mogadishu) – Abuukar Salaad Maxamuud oo Dowladda Soomaaliya kasoo qabtay Xilalka Gudoomiye Ku xiggeenka Arimaha Bulshada Degmooyinka Xamar wayne iyo Hodan 2014-2019 ayaa lagu soo eedeyay in uu ka tirsan Kooxda Argagaxisada uuna u qaabilsanaa dhoofinta iyo soo celinta kuwa dhaawaca ah ama xanuunsan.

Sanadkii 2021 ka Ugunji oo Shabeelaha Hoose ah ayuu iska xaadiriyay si u bilaabo xiriirka Khawaarijta isagoo maraya horjooge ay qaraabo ahaayeen oo khawaarijta ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdullahi Ibraahim.

Wareysi ku dhawaad tobon daqiiqo ahaa oo baraha xiriirka dadweynaha gaar ahaan Tegramka ay ku baahiyeen Argagixisada July ee sanadkan ayuu ku sheegay in mar kale shahaadada loo qabtay isla markaana Dowladda ku tilmaamtay gaalnimada ay la jecelyihiin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Sagaalkii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Abuukar Salaad Maxamuud Shan-sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute.

Askari u dilay Muwaadin muran kala dhexeeyay Askari kale & Xukunkiisa….

Garsoor -(Mogadishu)-   Dable Boolis Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf ayaa loo soo xiray dil bareer ah u geystay marxuum Cali Cabdi Cali falkaas oo kadhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley Shantii bishii September ee sanadkan.

Muran dhex maray marxuumka iyo Sargaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhax galay waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay.

Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka oo isla goobtii ku naf baxay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.

Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Madixii Baadda Argagixisada uga wakiil ka ahaa deegaana ka tirsan Galmudug & Xukunkiisa…..

Garsoor – (Mogadishu)- Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) ayaa lagu soo eedeeyay in uu maleeshiyada Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Lacagaha baadda ah.

Waxa uu Maleeshiyada Alshaabab ku biiray 2013kii, isaga oo u qaabilsanaa Maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn.

Waxa laga soo qabtay deeganka Baraak Ciise ee gobolka Mudug Todobadii bisha July ee sanadkan.

Xaashi iyo dhagar qabe kale oo la socday ayaa watay laba qori Ak47 ah iyo mooto Fikon waxa ayna ka yimaadeen Baraak Ciise ee u dhow deeganka Bacaadweyn, balse dhagar qabihii kale ayaa goobta ku geeriyooday ka dib markii ay ciidanka la dagaalameen halka Xaashi uu isna goobta ku dhaawacmay.

Waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray 150-200$ bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Labatankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) 10 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka dilkii ka bilowday danaano…..

Garsoor – (Mogadishu)- Cabdulaahi Cabdi Mustaf ayaa lagu soo eedeeyay dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf losoo xiray gacansiin danbi ka dib markuu dilaaga u dhiibay qoriga uu dilka ku geystay.

Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo ka carooday weydiinta Booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka titsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay marxuum Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) oo xiligaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni Sagaal iyo tobankii bishii December ee 2022.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Intaasi kadib Qareenada eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay kowdii bishan, ayaa ugu danbeyn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada.

Xukunka Dil ka dhashay gaari Dowladeed oo la wada raaci lahaa…..

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Labaatankii bishii Todobaad ee Sanadkan.

Gacan ka hadal dhax maray kadib eedeysanaha ayaa ka hor istaagay marxuumka in uu raaco gaarigii ay ku wada qornaayeen unugta.

Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta falka uu ka dhacay ayaa ugu danbayn u geeriyooday dhaawicii Labaatan iyo afartii bishii July ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Labaatan iyo kowdii bishii September ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labaatan iyo lixdii bishii September ee sanadkan ku xukuntay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey Dil toogasha ah tasoo ah qisaasta marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Qareenada u doodaayay eedeysanaha ayaa Shan iyo tobankii bishaan qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada afar iyo tobankii bishan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka waayeelkii loo Dilay Dhaxal aan lagu lahayn…..

Garsoor – (Mogadishu)- Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen  $17,300 oo dollarka maraykanka ah.

Cali Cumar oo hooyadiis mar qabi jiray marxuumka aabihiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Sadaxdii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Raggii lagu helay Dilal ka dhacay Gaalkacyo Dhinacyadeeda…..

Garsoor -(Mogadishu) – Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) Waxa ay ka mid ahaayeen Shabakad ka kooban lix ruux oo dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).

Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii shabakada isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.

Waxa ayna dhamaan dilalkan dhaceen xili marxuumiinta ay kasoo baxeen Masjid Guriga Allah.

Todoba iyo tobankii bishii April ee sanadkan ayee soo galeen gacmaha ciidamada amniga kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay lee yiihiin kumaandooska xoogga dalka ee Danab.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii May ee sanadkan ku xukuntay Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) oo dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Labaatan iyo afartii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka murankii ka bilowday Gaari Dowladeed oo la wada raaci lahaa…..

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Labaatankii bishii Todobaad ee Sanadkan.

Gacan ka hadal dhax maray kadib eedeysanaha ayaa ka hor istaagay marxuumka in uu raaco gaarigii ay ku wada qornaayeen unugta.

Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta falka uu ka dhacay ayaa ugu danbayn u geeriyooday dhaawicii Labaatan iyo afartii bishii July ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Labaatan iyo kowdii bishaan.

Garsoorka Maxkamdda Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda waqti ku filanna siiyay ayaa ugu danbeyn maanta ku xukumay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey Dil toogasha ah tasoo ah qisaastii marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.